Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi Dr Xassan Cali Xuseen

Lahaanshaha sawirka Dr Xasan Cali
Image caption Khabiir Soomaaliyeed ee cilmiga Geology-ga

Waxaa magaalada London shalay lagu soo gabagabeeyay shirka Somalia Oil and Gas, oo lagu soo bandhigayay daraasaadkii ugu dambeeyay ee ay sameeysay shirkadda Som Oil and Company iyo sidoo kale khubaro Soomaali ah oo qaarkood la shaqeeya wasaaradda betroolka iyo macdanta ayaa iyaguna soo bandhigay khayraadka shidaalka iyo gaaska wali dahsoon ee Soomaaliya.

DR XASSAN CALI XUSEEN, oo u shaqeeya Shirkadda baaritaanka batroolka ee Aramco ee Sacuudi Carabiya, Waa Khabiir Soomaaliyeed oo cilmiga geology-ga ku taqasusay oo Shirkan ay ku casuuntay dowladda federaalka Soomaaliya.

Tifaftiraha wararka iyo barnaamijka BBC Somali, Cabdiraxmaan Koronto, ayaa waydiiyay in uu sharaxo howsha uu ku soo bandhigay shirka