Filimka Laan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar bilowday agaasinka Filimaanta Djibouti

Lahaanshaha sawirka lula
Image caption Luula Cali Ismaaciil, Agaasimaha Filimka Gaaban ee Laan.

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa markii ugu horreysay inta la og yahay lagu sameeyay filim gaaban oo lagu dhigay afafka Soomaaliga iyo Faransiiska, sidoo kalana si qoraal ahaan ah (Sub Title) loogu tarjumay luuqada Ingiriisiga.

Filimkaasi gaaban ayaa gaaray heer uu ka mid noqdo bandhigga caalamiga ah ee aflaamta lagu matalo Afka Faransiiska.

Cabdiraxmaan Koronto oo dhawaantan safar shaqo ku tagay waddankaasi Jabuuti ayaa waxa uu ka kulmay Agaasimaha filimkaasi, Luula Cali Ismaaciil oo hadda ku howlan inay soo saarto filim buuxa oo ay maalgalinayaan dalal ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Kanada, warbixintan ayuuna inooga diyaariyay.