Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysiga Wasiirka Badroolka Soomaaliya

Image caption Wasiirka Badroolka iyo Gaas-ka Soomaaliya, Daa'uud Maxamed Cumar

Magaalada London,waxaa maanta lagu qabtay kulankii labaad ee Badroolka iyo Gaas-ka Soomaaliya looga hadlay oo ay warbixino soo bandhigeen shirkadda shidaalka iyo kuwa gsas-ka Soomaaliya.

Waxaa kale oo warbixinno ka jeediyey khubarro Soomaali iyo ajnabi isugu jira iyo dadka maalgaliya shidaalka oo joogay shirka.

Tifaftire Cabdiraxmaan Koronto, ayaa shirka ka qaybgalay oo goobta shirka ku wareystay Wasiirka Badroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daa'uud Maxamed Cumar, oo marka hore waydiiyey sida dowladda federaalku xal ugu helayso mushkiladda ka dhex dhalan karta deegaanada ama maamuladda dalka oo laga yaabo in hawlaha baaritaanada ama shidaal laga helo ay deegaanada qaar u horseedo collaad ?