Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarumihii jaadka ee UK maxaa loo badaly

Goobo badan oo jaadka lagu iibin jiray oo ku yaala UK ayaa loo badalay goobo waxyaabo kale lagu qabto.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo dhawaan tagay magaalada Glasgow ayaa booqday goob jaadka lagu iibin jiray misana lagu cuni jiray oo ku yaala magaaladaasi, ka hor intii aan dalkaasi laga mamnuucin.

Hasayeeshee Farxaan ayaa sheegaya in meeshaasi haatan laga beddelay magacii oo loo bixiyay Mama Afrika, waxaana laga dhigay goob bulshada isugu timaaddo gaar ahaan dhallinyarada.

Farxaan ayaa wareystay Axmedeey Muxyadiin oo ah milkiilaha goobtaasi