Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoysas ku barakacay daadad ka jira Beledweyne

Ku dhowaad 2,500 oo qoys ayaa ku barakacay fatahaado ku dhuftay degmada Beledweyne iyo deegaanno ku xeeran.

Fatahaadaha ayaa dhashay kaddib markii uu karkaarada jabsaday webiga Shabeelle, roobab ka da'ay dhanka Itoobiya awgood.

Dadkaasi ayaa u barakacay deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka bari ee magaalada.

Cumar Aadan Deeqow waa guddoomiyaha Beledweyne, waxaana uu khadka telefoonka ugu warramay Maxamed Cabdiraxman.