Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa sababa khilaafka madaxda?

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay khilaafka soo dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu rumaysan yahay in arrintaas ay xal u heli karaan hay'adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira.

Khilaafka xagga awoodda oo mar walba ka dhex dhaca madaxda sare ee dowlad kasta oo Soomaaliya laga dhiso dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, sababaha keena iyo saameynta uu yeelan karo ayaan ka waraysanay Dr Afyare Climi oo macallin ka ah Jaamacadda Qadar, kana faallooda arrimaha siyaasadda, waxaana isagoo hadda ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qadar telefonka kula hadlay Farxaan Maxamed Jimcaale.