Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qabkee lagu joojin karaa dhoofinta dhuxusha Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii la soo dhaafay meel mariyay qaraar lagu xoojinayo cunaqabateynta saaran dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Qaraarka ayaa waxaa ka mid ah in la baaro maraakiibta mareysa badda Soomaaliya ee looga shakiyo in ay dhuxul sidaan.

Farax Axmed Cumar (Farax Qare) waa taaliyihii hore ee ciidammada badda ee Soomaaliya, haddana waxa uu guddoomiye u yahay hay'adda cilmi baarista badda Soomaaliya, waxa uu qaraarkan cusub uga warramay weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxman.