Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqolaal qof oo Garissa ka faa'iideystay daweyn lacag la'aan ah

Iyada oo ay abaaro ka jiraan inta badan deegaannada gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa dhanka kale dadka reer guuraaga ah ee deegaannadaasi waxaa soo food saaray xaallad caafimaad darro.

Inta badan dadkaasi reer guuraaga ah ayaa abaarta ku waayay inta badan xoolahoodi.

Dhakhaatiir ka socoto cisbiltalka guud ee magaalada Garissa ayaa waxa ay ka fuliyeen gargaar caafimaad oo maalin socday tuulada macalimiin ee duleedka Garissa.

Bashkas Jugso Dhacay ayaa la socday dhakhaatiirtaasi, warbixintan ayuuna kasoo diray.