Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka reer Hargeysa oo aad u xiiseeya cuntada waddaniga

Mid ka mid ah makhaayadaha cuntada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sameeyay bandhig cuntada waddaniga ah dadka lagu dhiirigelinaayo.

Makhaayaddaasi ayaa sameysa hilibka geela oo noocyo kala duwan loo karinaayo, shuuradii, haruurkii , laxooxdii, iyo kalluunkii oo noocyo badan ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay makhaayaddasi oo la hadlay dadka wax ka cunayay, cuto kariyaasha, iyo weliba maamulka makhaayada bandhiga cuntada samaysay, kadibna warbixintan nooga soo diray.