Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali soo saaray Barnaamij lagu isticmaali karo Moobaylka

Injineer da' yar oo Soomaali ah oo sameeya barnaamijyada lagu wada xiriiro ee lagu shubo moobaylada iyo kumbuyuutarada waa weyn ayaa sameeyay barnaamij cusub oo Afsoomaali ku howlgala.

Dadka iska diiwaangaliyay barnaamijkaasi ayaa si fudud u wada xiriiri kara, waxa uuna injineerka rajaynayaa in barnaamijkaasi uu noqdo bar ay Soomaalida ku wada xiriirto.

Injineerkaasi oo la yiraahdo Axmed-Kaafi Cabdullaahi Maxamed, ayaa waxa uu u warramay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale, oo ugu horreynba waydiiyay waxa uu yahay barnaamijka Somali App ee uu sameeyay?