Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabayo ay tirisay haweenay Soomaali ah

Bulshada Soomaalida waxaa ku yar dumarka gabya.

Nimco Hurre waxa ay ka mid tahay dumarka fara ku tiriska ah ee gabya. Waxay ku nooshahay Somaliland, waxaana halkaasi looga yaqaan Nimco gabaydo.

Nimco oo gabayga tirinaysay 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxa ay dhawaan soo saartay gabayo cusub.

Haatanna waxa ay ku howlan tahay diiwaan la magac baxay "Maan rag la aragyee, maan dumar ma aragteen".

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa ka wareystay Nimco gabayadeeda cusub oo ay ku soo qaadday khuraafaadka saarka ama mingista, deegaanka, xumaanta qabyaaladda, iyo qodobo kale.

Halkan ka dhagayso waraysiga.