Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarun lagu baaro Ebola oo laga furay Wajaale

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka furtay magaalada Wajaale ee ku taalla xuduuda Itoobiya bar caafimaad oo dadka soo gelaya dhinaca Somaliland lagaga baaro cudurka Ebola.

Horay waxaa u jirtay bar caafimaad oo gegida dayuuradaha ee Hargeysa rakaabka dibedda ka imanaya lagaga baaro cudurka Ebola ee faraha ba'an ku haya dalal ku yaalla Galbeedka Afrika.

Halkan ka dhagayso uu BBC-da siiyey agaasimaha waaxda cudurada faafa ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Abiib Adam Nuur, Axmed Siciid Cige ayuu u waramay.