baroordiiqayaal la kireysto
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad baroordiiq loo kireysta Kenya

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, magaalada Kisumu ee dalka Kenya waxaa hakad gala isu socodka gaadiidka. Sababtuna waxay tahay iyadoo boqolaal mootooyin ah ay waddooyinka xiraan.

Dadka mootooyinkaasi wata ayaa ah kuwa lacag la siiyay si ay u qeyliyaan oo ay hoonka u yeeriyaan iyagoo u baroor diiqaya qof dhintay oo aan weli la aasin.

Dadka ku nool deegaankaasi ayaa aaminsan in haddii dad badan ay isugu soo baxaan duugta qofka dhintay, ay taasi sumcadiisa sare u qaadeyso.

Balse maamulka magaalada ayaa hadda qaati ka taagan dadkaasi, waxaana uu doonayaa in dhaqankaasi uu soo afjarmo