Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaano khilaafsan Mooshinka Ra'iisul Wasaaraha

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la horgeeyey mooshin ka dhan ah ra'iisal wasaaraha oo la doonayo in kalsoonida lagala laabto.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waa Ra'iisal wasaarihii labaad ee laga keeno mooshin tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba waxaa jiro xildhibaanno kasoo horjeeda mooshinkaasi laga keenay ra'iisul wasaaraha.

Waxa ay ku doodayaan in mooshinka aanu sharciga waafaqsaneyn.

Mudanayaashaasi waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdi Bare Yussuf, oo khadka telefoonka magaalada Muqdisho ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas.