Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taliyaha Burkina Faso oo ku gacan sayray Midowga Afrika

Hogaamiyaha KMG ah ee Burkina Faso, gaashaanle sare Isaac Zida, ayaa ku gacan saray Midowga Afrika oo muddo laba todobaad ah u qabtay in uu awooda ku wareejiyo maamul rayid ah.

Gaashaanle sare Isaac Zida, oo hadal jeediyay kaddib markii uu kulan la yeeshay hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo kooxaha bulshada rayidka ee dalkiisa, ayaa sheegay in aanu ka walwal qabin cunaqabateyn kaga timaada Midowga Afrika.

Dr Ibrahim Farax Bursaliid waxa uu ka faallooda arrimaha Afrika. Xaallada ka taagan Burkina Faso ayaa waxa uu uga warramay Maxamed Cabdiraxman oo ugu horreyn weydiiyay in 14 maalmood xukunka dalkaasi loogu wareejin karo maamul rayid ah?