Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Go'aamadii ka soo baxay shirka Turkiga

Wadanka Turkiga waxaa lagu soo gabogabeeyay shir looga hadlayay argagixisa iyo qabyaaladda, shirkaas dadka ka qaybgalay waxaa ka mid ah culimo, dhalinyaro, iyo dad ay dhibaato kasoo gaartay xagjirnimada, Sheekh Nuur Baaruud ayaa sheegay in warbaahintu ay kaalin muhiim ah ka ciyaari karto in dhalinyarada laga soo celiyo fikradaha xagjirnimada ah.

sheekh Maxamad Idriis oo kamid ah Culimada kaqaybgashay shirkaasi ayaa sheegaya go'aamada ka soo baxay shirkaasi.

Sanadihii u dambeeyay Turkiga ayaa marti galiyay shirar kala duwan oo looga arrinsanayo Soomaaliya, ama dhaqaale loogu aruurinayo.

Magaalada Muqdishana waxa ay ka fuliyeen amaba hadda kawadaan mashaariic horumarineed.