Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Equatorial Guinea oo martigelinaysa koobka qaramada Afrika.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika ayaa u doortay waddanka Equatorial Guinea inuu badalo Morocco si uu u martigeliyo Koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka.

Morocco ayaa doonaysay in dib loo dhigo tartanka, iyadoo diiday in ay tartanka qabato bisha January sababo ah inay ka cabsatay cudurka Ebola.

Hasayeeshee Xiriirka ayaa sheegay in waqtiga lagu qabanayo tartanka uu sidii hore ahaan doono, ciyaaruhuna ay ka dhici doonaan afar magaalo oo ku yaalla Equatorial Guinea.

Haddaba suuragal matahay in Equatorial Guinea ay laba bilood gudahood ay ugu diyaar garowdo marti galinta tartanka? Mise dhici kartaa in dalalka kale ay ka baaqsadaan tartanka iyaga oo ka cabsanaya Ebola? Su'aalaha iyo kuwa kale ayaa waxaanu weydiinay garsoore Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish, waxa uuna u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.