Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baarlamaanka oo mar kale lagu kala dareeray

Fadhigii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guul darro ku soo dhamaaday, kaddib markii ay diideen xildhibaannada ka soo horjeeda in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda ra'isul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed in uu furmo shirkaasi, iyagoo u aaneynaya ina aanu sharci ahayn mooshinka baarlamaanka horyaala.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa isaga tagay shirka kaddib markii la is maqli waayay.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan oo ka qayb galay shirkaasi ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.