Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka copenhagen oo arrimaha haweenka looga hadlay

Waxa maalintii labaad galaya shirka heerka sare ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Bulshada Caalamka ee Copenhagen.

Shirkaasi oo diirada lagu saarayo horumarka laga gaaray arrimaha ammaanka, hirgalinta hannaanka federalka iyo doorasho ka dhacda Soomaaliya sanadka 2016-ka.

Haddaba ka hor furitaanka shirkaasi ayaa la qabtay shir ku saabsanaa haweenka iyo doorka ay siyaasadda ku leeyihiin.

Waxaa shirkaas wax ka guddoominaysay wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Cabdiraxmaan Koronto ayaa la kulmay oo ka waraystay shirka doorka siyaasadda dumarka iyo waliba sida ay u aragto is afgaranwaaga siyaasadeed ee hogaanka Soomaaliya.