Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi ku saabsan kalluumeysiga Somaliland

Shirkad kalluumeysi oo ay isla leeyihiin dad qurbaha ka soo laabtay iyo saamiley kale ayaa ka bilowday xeebaha Somaliland jillaabashada kalluunka.

Wax soo saarkoodii kalluunka ayay markii ugu horreeysay soo gaarsiiyeen magaalada Hargeysa oo ay dhigeen qaboojiye weyn oo kontainer ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay goobta qaboojiyahaasi la dhigay ee Hotel Dalxiis wuxuuna wareystay gudoomiyaha shirkadda kalluumeysiga ee NATIONAL, Khadar Xaaji Maxamed Cumar.