Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Yemen iyo Soomaaliya oo ka hadlay qaxootiga

Wadanka Yemen waxaa booqasho dhawr maalin ah kutagay wasiirka arriaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, waxa uuna la kulmay dhigiisa oo ay isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin dib u celinta qaxootiga Soomaalida.

Yemen iyo Soomaaliya ayaa isla gartay in guddi saddex geesood ah loo saaro arrinta dib u celinta qaxootiga.

Axmed Cabdi Xasan (Axmed Sudani) waa qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe.