Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Soomaaliya oo tallaaba ka qaaday ka ganacsiga dhuxusha

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay isla markaana baaritaan ku wado dad isugu jira mas'uuliyiin iyo ganacsato lagu eedeeyay in ay dhoofinayeen dhuxul taalla dekeda magaalada Baraawe.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in deegaana kale oo dhuxusha laga dhoofiyo ay tallaaba taa la mid ah ay ka qaadi doonaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa khadka telefoonka magaalada Muqdisho ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas