Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya ma ku guul daraysatay amniga?

Barnaamijka waxay ila tahay waxaan ku eegnay xaaladda amaan ee dalka Kenya kaddib weerarkii ay shabaab ku qaaday degaanka Mandera ee ay ku dhishay 28 qof.

Weerarkaasi kaddib, xukuumadda Uhuru Kenyatta ayaa waxa la soo darsay cadaadis looga dalbanayo in ay wax ka qabato amaanka dalka, siiba in isbadel lagu sameeyo hogganka dhinaca amanka.

Waxa sidoo kale su'aal la geliyey doorka ciidanka Kenya ee ku sugan soomaliya, waqti kooxda shabaab ay ka soo talaabayso xadka oo ay weeraro ka geysanayso dalka gudihiisa

Weerarkan ayaa waxa sidoo kale si kulul uga hadlay madaxda kaniisadaha dalka kenya oo ku eedeeyey muslimiinta in aan wax badan ka qaban dhinaca ammaanka..

Si kasta oo ay ahaataba, ammaanka dalka Kenya ayaa u muuqda mid walwal xooggan ku beeray shacabka, iyadoo weeradada lagu qaadayo shacabka ay saameyn ku yeelanayaan nolosha shacabka.

Barnaamijkan oo uu soo jeedinayo Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxa ka qeyb qaatay Faarax Macalin oo ah siyaasi ka tirsan mucaaradka, waxa uu mar ahaa guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Kenya, Cabdiqaadir Mohamed, latilyaha Madaxweynaha Kenya ee dhinaca Dastuurka, iyo Cabdiwahab Cabdisamad oo ah bare wax ka dhiga jaamacada Kenyatta ee Nairobi.