Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed

Waxaa todobaadkii la soo dhaafay dunida ka bilowday 16 maalmood oo sanad waliba xilligan oo kale wacyi galin laga sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya waxaa ka socda olole loogu baaqayo bulshada in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo soo afmeeri lahaa tacadiyada ka dhanka ah dumarka Soomaaliyeed.

Fartuun C/salaan Xaaji Aadan waxa ay madax ka tahay xarunta nabadda iyo xuquuqda aadamaha ee Elman ee uu saldhigeedu yahay magaalada Muqdisho, waxayna waqti badan ku bixisay u ololeynta joojinta dhibaatooyinka dumarka lagula kaco gaar ahaan kufsiga.

Weriyaha BBC ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa Fartuun weydiiyay heerka xadgudubyada ka dhanka ah dumarka ee Soomaaliya? Waxa ayna ku jawaabtay.