Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xilidhibaan Yuusuf oo cagahiisa ku socda

Xilibaan Yusuf Xasan Cabdi Indhogamuun oo laga soo doorto deegaanka Kamukunji ee Islii ay katirsantahay ee Magaalada Nairobi, waxa uu mudo labo sano ku dhowaad ah ahaa nin sariir-yaala oo curyaan ah, ka dib markii weerar qarax ah lagu dhaawacay isaga oo ka soo baxay Masaajidka Hidaaya ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Yusuf Xasan waxaa lagu sameeyey qalitaano kala duwan waxuuna mudaba la tacaalay caafimadka Lugihiisa oo midood ay ku sigatay in laga gooyo.

Balse nasiib wanaag Yusuf Xasan manta waa nin kaligiis socon kara isaga oo aan wax bakoorad ah isticmaalaynin.

Xilibaan Yusuf xasan waxa uu mar labaad socod barashadiisa uga waramay Bashkas Jugsoodhacay.