Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada Kenya oo cambaareeyay weerarka Mandera

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption 36 qof oo ka shaqeyneysa goob dhagaxa laga qodo ayaa lagu dilay Mandera

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu xilka ka qaaday wasiirkiisii ammaanka gudaha waxaa isna is casilay Taliyaha Booliska, kaddib weerarkii ay Al Shabaab dadka badan ku laayeen eek a dhacay deegaano ka tirsan magaalada Mandera.

Kenyatta ayaa ka codsaday dadka Kenya inay u midoobaan waxa uu ugu yeeray "Argagixisada".

Subaxnimadii hore ee shalay ayaa weerar ay Al Shabaab ku qaaday deegaanka Koromey ee hoostaga magaalada Mandera waxaa ay ku dileen 36 qof oo ka shaqeynayay meel laga qodo carro kaawada iyo dhagxaanta.

Haddaba waxaanu khadka taleefanka magaalada Gaarisa kula xiriirnay Sheekh Xasan Cabdi Cabdullaahi, oo ah xubin ka tirsan Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya, Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq oo wareystay ayaa ugu horayn waydiiyay, inay ku guuldaraysteen in ay dadka ka wacyi galiyaan xagjirnimada.