Dadab camp
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti lagu celinayo Soomaaliya

Maalinta isniinta ah ee Soo socota bisha Decemabarna Tahay, 8, waxaa la filayaa in qaxootigii ugu horeeyey ee Soomali ah dib loogu celiyo Soomaliya. Qaxootigaas oo ka tagi doona xeryaha qaxootiga ee Dadaab waxa celin doonta hay'adda Qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR.

Barnaamijkan dib u celinta Qaxootiga ayaa waxa uu bilawday sanadkii hore kaddib markii Kenya, Soomaliya iyo UNHCR ay saxiixdeen heshiis saddex geesood ahaa in qaxootiga dib loo celiyo

Ilaa iyo hadda in ka badan 3 kun oo qof ayaa is-diiwaangeliyey, iyadoo qaxootga ay iskood u doorayaan in ay dib u laabtaan. Meelaha qaxootigan la geyn doono waxa ka mid ah Jubada hoose, Gedo, iyo Bay

Axmed Warsame waa madaxa UNHCR ee Dadaab, waxa uuna u waramay Maxamuud Cali.