Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hawlgalo ay booliisku ka fuliyeen Dhadhaab

Hawlgalo ammaanka lagu sugayo oo ay fuliyeen booliska Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxa lagu soo qabqabtay rag badan oo ay ku jiraan odayaal.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii labo maalmood ka hor xeryahaasi lagu dilay booliis.

Haddaba dadka la xirxiray waxa ay ka cabanayaan in ay dhibaatooyin ay kamid yihiin jidh dil kala kulmeen booliska. Inkasta oo dadkii la xirxiray la sii daayay intooda badan.

Maxamed Cabdi Cismaan, waa gudoomiyaha xaafadda C3 ee xerada Dhagaxleey, waxa uuna ka mid ahaa dadkii howlgalkaasi lagu xidhxidhay waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC Bashkas Jugsodhacay.

Dawladdu maxay ka tiri eedaymahaasi

Dhanka kale waxaa inoo suuragashay in aan la hadalno Albert Kimathi oo ah guddoomiye kuxigeenka deegaanka Dhadhaab bal si uu noogu faahfaahiyo xidhxidhitaankaasi iyo tacadiyada la sheegayo