Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif Xasan oon waraysanay caleemosaarkiisa kaddib

Magaalada Baydhabo waxaa shalay lagu caleema saaray Shariif Xasan Sheekh Adan, madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Caleema saarka Shariif Xasan, ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafuud kale.

Shariifka ayaa horay usoo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda

Haddaba waxaa inoo suuragashay inaanu waraysano madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, Suheyba Maxamed Badqas ayuu u waramay ugu horayna waxa ay weydiisay waxa ay doorashadiisa ku soo kordhineyso gobalada hoos yimaada?