Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heerka musuqmaasuqa Soomaaliya oo aad u sarreeya

Warbixin cusub oo uu soo saaray ururka Transparency International ayaa looga hadlay heerka musuqmaasuqa caalamka.

Afar dal oo ku yaalla gobolka Scandinavian-ka iyo dalka New Zealand ayaa galay shanta kaalimood ee ugu horreeya dalalka uu aadka ugu yaryahay musuqmaasuqa.

Dalalka Soomaaliya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa galay kaalinta ugu hooseysa, iyaga oo wadagalay kaalinta 174.

Haddaba heerka musuqmaasuqa Soomaaliya ayaa waxaan ka wareysanay Prof. Cabdi Daahir oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxaana uu u warramay Maxamed Cabdiraxman.