Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali dadka tahriibisa oo Suudaan ku xirxiran iyo shirka tahriibka oo London ka socda

Shir laba maalmood soconaya oo looga hadlaya xakameynta tahriibinta dadka ayaa ka furmay magaalada London. Shirkan waxa ka qeyb galaya taliyayaasha booliska iyo wakiillo ka socda kaniisadaha caalamka.

Ururka shaqaalaha adduunka ayaa ku qiyaasay lacagta dadka wax tahriibiya ay helaaan in ay ka badan tahay 30 bilyan oo dollar.

Ururka ayaa sheegay in dad ay tiradoodu ku dhowdahay laba iyo bar milyan sanad waliba la tahriibiyo. Suudan waxa ay ka mid tahay waddamada ay sii maraan dadka Soomalida ah ee Tahriiba.

Xukuumada Khartuum ayaa dhowaan qaaday tallaabooyin ay uga hortagayso Tahriibka waxa ayna xirxirtay dad badan oo Soomaali ah. Arrintaas ayaa WaxAan ka waraysanay Fiidow Maxamuud Fiidow oo safaaradda Soomaliya ee Sudan u qaabilsan dhinaca saxaafada. Waxa uu u waramay Maxamed Abdiraxman.