Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo amar dul dhigay xukuumaddii hore

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya iyo xafiiska hanti dhowrka guud ayaa lagu sheegay in mas'uuliyiinta xukuumaddii shalay la riday aysan waddanka ka bixin ilaa lagala xisaabtamayo oo ay xilka si qaynuunka waafaqsan ku wareejinayaan.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano ujeedada amarkan ayaa waxaan la xiriirnay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir. Ugu horayna waxaan weydiinay bal in uu sharraxaad ka bixiyo amarkan ay soo saareen.