Itoobiyaan ku dhintay xeebaha Yemen

Lahaanshaha sawirka AFP

Saraakiisha dalka Yemen, ayaa sheegay in 70 qof ay dhinteen kadib markii doon sidday muhaajiriin ay ku degtay xeebaha galbeed ee dalka Yemen.

Inta badan dadka saarnaa doonidaasi waxa ay u dhasheen dalka Itoobiya.

Tobonaan kun, oo qof ayaa isku daya sanad kasta in ay ka tallaabaan Badda Cas si ay u gaaraan dalka Yemen.

Dadkan tahriibiya, waxa ay doonayaan in Yemen ay uga sii tallaabaan Sucuudiga ama Yurub.

Waxa ay raadsanayaan shaqooyin iyo noolal dhaanto midda ay ku noolyihiin.

Hay'adda QM u qaabilsan qaxootiga, UNHCR ayaa sheegtay in 200 oo qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha dalka Yemen sanadkan 2014-ka.