Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Walaaca mucaaradka doorashada Somaliland

Axmed Siciid Cige

Somaliland, Inkastoo gudigii doorashooyinka baarllamaanku ansixiyeen, madaxweynaha hortiisana lagu dhaariyay Axadii si ay hawlaha qabanqaabada doorashada madaxtooyada iyo baarllamaanka ee June 2015 u dhaqaajiyaan, ayaa haddana xisbiyada mucaaridku waxay walaac ka muujiyeen in doorasho dhacayso iyagoo leh xukuumadu waxay rabtaa in mudada xilka loo kordhiyo.

Dood arrimahaasi ku saabsan ayaa dhexmartay xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan tirsan mudanayaasha Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xildhibaan Cabdilqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Xildhibaan Nacnac ayaa bilabaya jawaabta.