Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa ka horreeya qaxootiga dib ugu laabanaya Somaaliya?

Shalay oo Isniin ahayd waxaa xudduudda Kenya iyo Soomaaliya laga gudbiyay qaxootigii ugu horreeyay ee si iskood ah dib ugu laabto dalka Soomaaliya. Qaxootigan oo tiro ahaan gaarayay 91 qof ayaa laga gudbiyay deegaanka Libooya, waxaana la geeyay magaalada Dhoobley.

Dadkani ayaa waxaa loo sii gudbinayaa magaalada Kismayo oo loogu diyaariyay guryo ay degaan. Maamulka ku meel gaarga ah ee Juba ayaa qaabilay dadkaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka Juba, Cabdi Xuseen Cali ayaa uga warramay Axmed Xaji Xasan waxa dadkaasi loo qabanayo.