Tixraaca bishii dhimashada

Weerarada jihaadayaasha ayaa lagu dilay in ka badan shan kun hal bil sidaasina waxaa lagu ogaaday baaris ay sameeyeen BBC-da iyo King's College.

Weerarada jihaadayaasha ayaa lagu dilay in ka badan shan kun hal bil sidaasina waxaa lagu ogaaday baaris ay sameeyeen BBC-da iyo King's College.

Culeyska ugu badan ee dagaalka wuxuu fuulay rayidka iyadoo in ka badan labo kun lagu dilay dhacdooyin jihaadayaal ah bishii November. Dowladda Islaamka ayaa fulisay weerarada ugu badan iyagoo kordhiyay tirada dhimashada Iraq iyo Syria.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Afar dal ayey ku dhacday 80% qasaaraha.

Tiro 5,042 ayaa lagu dilay 664 weeraro jihaadayaal oo ka dhacay dalal 14 ah taas oo u dhigan 168 dhimasho oo joogto ah.

80% dhimashada waxay ka dhacday afarta dal ee Iraq, Nigeria,Syria iyo Afghanistan.

Iraq ayaa ah meesha ugu qatarsan ee la joogo taas oo 1,770 dhimasho ay ka yimaadeen 133 weerar oo isugu jiray min toogasho ilaa isqarxin.

Dalka Nigeria, 786 oo rayid ah ayaa lagu dilay 27 dhacdo oo Boko Haram sameeyeen. Kuwani oo ah toogashada iyo qaraxyo aan kala sooc laheyn sida weerarkii masaajidka waqooyiga Kano kaas oo ay ku dhinteen 120.

Boko Haram waxay kaloo weerartay xadka Cameroon oo ay ku dishay 15. Dhinaca kale, bariga Afrika, Al-shabaab ayaa ku dilay 266 Soomaali iyo Kenyan isugu jiray.

Afghanistan waxay la kulantay dhimasho la mid ah tan Nigeria (782), hase ahaatee waxay u egyihiin inay ku yaryihiin weerarada ujeedka leh sida shirqoolkii ku xigeenka guddoomiyaha Kandahar.

Syria waxaa lagu dilay 693 halka Yemen 37 weerar ay ku dhinteen 410.

Kooxaha 16ka jihaadayasha, waxay dhimashada ugu badan ka timid Dowladda Islaamka iyagoo ku dilay Syria iyo Iraq 2,206 taas oo ah 44% dhimashada guud.

Peter Neumann oo ah professor cilmiga ammaanka ee King's College london ayaa sheegay in Dowladda Islaamka ay hogaanka jihaadka dunida kala siman tahay hadeysan badalin Al-qaacidda.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Dhibanayaasha ugu daran waa rayid.

Weerarada ayey ku dhinteen 2,079 oo rayid ah iyo 1,723 militeri. Hase ahaatee tirada ayaa aad u kala duwan dalalka. Nigeria ku dhawaad 700 rayid ah ayaa lagu dilay oo 57 ka mid ah caruur yihiin iyo 28 militeri.

Syria iyo Afghanistan, in ka badan labo laabka militeriga geeriyooday ayaa rayid ah.

146 police oo geeriyooday ayey 95 yihiin Afghanistan. Siyaasiyiinta iyo saraakiisha kale ayaa sidoo kale ayaa bartilmaameed ka ah Afghanistan iyo Somalia halkaasi oo ay ku dhinteen 22.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Bambooyinka iyo xabadaha oo dila badi

Marka laysku soo daro, bambooyinka ayaa loo tiriyaa 1,653 dhimasho iyadoo 650 ka mid ahna ay yihiin kuwa isqarxinta halka 555 ay yihiin kuwa dadka loo dhigo.

Qaraxyada qaar ayaa weyn waxaana loogu talogalay dadweynaha halka kuwa kalena loogu talogalay meelo sare sida ninka galay xarunta police-ka Logar ee Afghanistan oo isqarxiyay isagoo dilay todoba sarkaal.

Weerarada qoryaha ayaa lagu dilay 1,574 iyadoo 666 dhimasho oo dheerad ahna ay ahaayeen weeraro gaadmo.

426 qofood oo la dilay waxaa ku jiray 50 la sheegay in lagu gowracay Syria, Yemen iyo Libiya.

Waxaana kuwa la qabsaday ka mid ahaa shaqaale gargaarka oo Mareykan ahaa, Peter Kassig, oo lala gowracay 18 askar Syrian ahaa bartamahii bisha.

Hoobiyayaasha iyo duqeymaha ayaa dilay 204 halka ay 49 yihiin weeraro tooreeyo loo adeegsaday.

Professor Neumann waxa uu sheegay xadiga qorshoyaasha iyo hababka weerarka ay ka tarjumeysaa "Sida ay xoogga u saareyso BBC-da haysashada dhulka iyo dagaalka ciidamada caadiga ah"