Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee lagu xallin karaa dhibaatada dhalinyarada Somaliland?

Shirweyne dhowr maalmood magaalada Hargeysa uga socday in ka badan saddex kun oo dhalinyaro ah una badan arday, ayaa lasoo geba gabeeyay.

Shirweynaha ayaa waxaa soo qabanqaabisay dallada guud ee ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxaana laga dooday dhibaatooyinka dhalinyarada haysta ee tahriibkaa, shaqo la'aanta, qabyaaladda iyo tayaynta waxbarashada.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa dhammaadkii shirweynahaasi wuxuu doodan u qabtay gudoomiyaha dallada guud ee dhallinyarada SONYO, Mubaarik Ismaaciil Taani, Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka socday dhallinyarada gobolka Awdal, Sahra-ladan Maxamed Cali oo ka socotay gobolka Togdheer iyo Faadumo Biixi Kooshin oo ah gabar dhallinyaro naafa ah una dooda xuquuqda naafada, waxaa dooda ku hormaraya Mubaarik Ismaaciil Taani oo sharaxaya waxa uu shirka ku saabsan yahay iyo tirada ka soo qeyb gashay.