Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hay'ad cusub oo loo sameeyay qaxootiga Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay hay'ad cusub oo qaabilsan qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana hay'adaasi ay hoos tageysaa wasaaradda arrimaha gudaha.

Hay'ada ayaa lagu sheegay in ay taakuleyn doonto qaxootiga Soomaalida ee dalka dib ugu soo laabanaya iyo dadka barakacayaasha ee guduha dalka ku dhibaateysan.

Cabdullahi Goodax Barre waa sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaa khadka telefonka uu ugu warramaya Maxamed Cabdiraxmaan oo ugu horeyn weydiiyaya waxa ay yihiin shaqooyinka ay qabaneyso hay'adaasi?