Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jabuuti oo garsoorayaal kubadda xeebta loo tababaray

24 garsoore oo kubadda xeebta ah ayaa ka faa'iideystay tababar uu xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA u fidiyay dalka Jabuuti.

Jabuuti ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa laga ciyaarayay kubadda xeebta, taasoo aan si weyn looga aqoon caalamka.

Suleyman Xasan Waaberi, waa gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Jabuuti, waxaana uu khadka telefoonka ugu warramay Xasan Cali Geele.