Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hormarinta jaamacadaha Afrika oo laga shirayo

Magaalada Addis Ababa waxaa ka socdo shir ay ka qeybgalayaan jaamacadaha Afrika oo looga hadlaayo hormarka iyo hogaanka jaamacadaha.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa sidii jaamacadaha Afrika loo hormarrin lahaa si ay ula tartamaan jaamacadaha kale ee caalamka sida kuwa reer galbeedka.

Dadka shirkaasi ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Maxamuud Sheekh Xamid oo ah maamulaha jaamacadda Puntland State University (PSU), wuxuuna qadka telefoonka ee Addis Ababa ugu warramay weriyaha BBC Xasan Cali Gelle.