Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan dhowaaq dheerida Soomaalida

Koox dhalinyaro ah oo wax ka barata jaamacadaha iyo xarunta cilmi baarista dhaqanka iyo luqadda Soomaaliga ee ku taalla Nairobi, ayaa baarid ku sameeyay sababaha dadka Soomaalida ah ay codka dheer ugu sheekaystaan, gaar ahaanna goobaha dadku ku badan yahiin.

Waxay soo saareen qodobo ay sheegeen in ay sabab u yihiin codka dheer in Soomaalidu ay ku sheekaysato.

Waxaana ka mid ah dhaqanka Soomaalida oo ah mid miyiga salka ku haya iyo ababinta dhallaanka gaar ahaanna dugsiyada qur'aanka.

Haddaba, weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan, ayaa u kuurgalay guud ahaan sida ay uu u jiro codka dheer ee Soomaalidu ku sheekaysato iyo sida dadku u arkaan.

Warbixintan ayuuna ka diyaariyay.