Qiimaha lacagta Ruushka oo aad hoos ugu sii dhacaysa

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Lacagta Ruushka waxaa lagu magacaabaa Rouble

Lacagta dalka Ruusha ayaa qiimaheeda aad hoos ugu sii dhacay marka la barbardhigo Dollarka iyo Euroga marka laga gudbo in kor loo qaaday heerkii dulsaarka looga gollahaa in la xasiliyo Ruubalka Ruushka.

Bangigga dhexe ee Ruusha ayaa heerka dulsaarka muhiimka ahaa ka kordhiyay boqolkiiba 10 oo gaarsiiyay ilaa iyo 17% si wax looga qabto qiimo dhaca lagacta ruusha, hase ahaatee markii suuqa la furay auu in yar soo kabtay, hase ahaatee dib ayuu u bilaabay in uu Rubalki uu hoos aad ugu dhaco.

Dhaqaalaha Ruusha ayaa waxaa aad u saameeyay hoos u dhacay sicirka saliida, iyo cuno qabataynta ay dalalka reer galbeedku ku soo rogeen Ruusha ee ka dhalatay natiiyada talaabooyinka Ruusha ee dalka Ukraine.