Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kalfadhiga baarlamaanka Somaliland oo qabsoomi waayay

Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 82 mudane, ayaa waxaa dhacda in badanaa fadhiyadiisa ay ka soo xaadiri waayaan ugu yaraan 42 mudane, oo ah tirada kooramka fadhiyadu ku furmi karaan ama ansixinta sharciyada cod loogu qaadi karo.

Xildhibaannada badidooda ayaa ka daaha fadhiyada maalinlaha ah oo goor danbe oo barqada ah dirqi ku soo xaadira, taasoo gudashadii xilka baarlamaanka su'aal gelisa.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan ku eegaya arrinkaasi isagoo tegay fadhi ka mid ah fadhiyada baarlamaanka oo dhex galay mudanayaasha, kadib gudoomiyaha baarlamaanka weydiiyay su'aalo.