Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo xirtay dadka tahriibinta ka shaqeeya

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa digniin adag u jeediyay kooxaha dadka tahriibiya ee badweynta Hindiya ama gacanka Cadan marsiiya.

Maamulka ayaa sheegay in shakhsiyaadka ay ku helaan iyaga oo dad tahriibinaya in maxkamad la soo taagi doono, xukuno adagna lagu rido doono.

Sanad waliba, boqolaal qof ayaa ka tahriiba xeebaha Puntland, iyaga oo u tahriiba dalka Yemen. Muhaajiriinta ayaa intooda badan ku dhintay baddaha.

Waxaan arrintaa ka wareysanay wasiirka amniga Puntland, Xasan Cismaan Maxamud Aloore, wuxuuna u warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare.