Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadaal ku aadan xallinta khilaafka Galgaduud

Waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa isku dayay bal in xal loo helo khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya gobolka.

Magaalooyin ka tirsan gobolka ayaa toddobaadkii hore waxaa isaga horyimid dhinacyo ka kala tirsan Ahlu Sunna wal jamaaca iyo dowladda Soomaaliya.

Haddaba dadka dadaalkaasi wada waxaa ka mid ah Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo khadka taleefanka ee magaalada Guriceel ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale, oo ugu horreyn waydiiyay halka ay wax marinayaan?