Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somalida minnesota oo xagjirnimada laga wacyigalinayo

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa kusoo badanaya dhalinyarada ku biireysay ururada xagjirka ah, gaar ahaan kan Daacish ee ka dagaallamaya Ciraaq iyo Suuriya.

Hay'adda KA JOOG, oo ah mid billado ku guuleysatay ayaa qeyb ka ah wacyi galinta dhalinta Soomaalida, si aanay ugu biirin ururadaasi. Ururka ayaa inta badan ka shaqeeya magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul oo lagu magacaabo magaalooyinka mataanaha.

Waxaa warbixintan arrintaasi ku eegaya weriyaha BBC ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiino.