Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee xaaladda agoonta Soomaaliya?

Magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay mehrijaan ay carruur agoon ah ku soo bandhigayeen dareenkooda kuwaas oo nasiib u helay in ay kafaalo qaado hay'ad samafal oo laga leeyahay wadanka Qadar.

Carruurtan agoonta ah oo gaarayay kun iyo afar boqol ayaa soo bandhigay khudbado qiiro leh iyo suugaan ka turjumaysa baahida agoonta Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka ay mutaan marka aabihii ka masuulka ahaa uu dhinto.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ka qaybgalay bandhigan warbixin ayuuna ka diyaariyey.