Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Safarka Macalimuu ee Puntland

Bal ka warran 1000 km haddaad dhulka ku safarto meel ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa sidaa sameeyay weriyaha BBC-da Maxamed Ibrahim Macalimu oo maalmahan safar shaqo ku maraya deegaano ka tirsan Puntaland.

Mucalimuu waxa uu soo tabinayay sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegatay duufaantii Tsunami ee ku dhufatay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Soomaaliya.

Waxa uu warbixintan ku eegayaa wixii uu arkay intii uu safarka ku jiray.