Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka dhigan tahay soo afjarida howlgalka ciidanka NATO ee Afghanistan?

Gaashaanbuurta NATO ayaa shalay soo afjartay howlgalkii ciidan ee ay 13-kii sano ee lasoo dhaafay ay ka wadeen dalka Afghanistan.

NATO ayaa hadda dalkaasi ka bilowday howlgal cusub oo ay gacan ku siineyso, kuna xoojineyso ciidammada Afghanistan.

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu soo dhaweeyay dhammaadka howgalkii ciidanka ee caalamiga ahaa ee ka dhanka ahaa kooxda Taalibaanta Afghanistan.

Mr Obama ayaa sheegay in 13-kii sano ee la soo dhaafay, ay ciidammada Mareykanka ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray naf-hurid xad dhaaf ah.

Haddaba waxa ay ka dhigantahay soo afjarida howlgalka ciidanka Nato ee Afghanistan ayaa waxaanu ka wareysanay Dr Cabdiwaab Sheekh Cabdisamad oo wax ka dhiga Jaamacadda Kenyatta, kana faalooda dunida Muslimka, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.