Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Colaadda deegaanka Saaxo oo la xalliyay

Maamulka gobolka Mudug, ee Puntland ayaa sheegaya in uu xaliyey oo uu soo afjaray colaad dhowaan ka dhacday degmada Saaxo oo ay ku dhinteen dad gaara 10 qof.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegaya in uu ka shaqeeyey sidii lagu horumarin lahaa nabadda, loogana hortagi lahaa xiisadaha had iyo jeerba ka dhax qarxa maamulada galmudug iyo Mudug.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey waa Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Weriyaha BBC-da Mohamed Ibraahim Mucalimu ayuu ugu waramay magaalada Galkacyo: